War kasoo baxay dowladda Ugandha ayaa looga hadlay ciidamo cusub oo kamid noqonaya booliiska Amisom ee howlgalka u jooga qeybo kamid ah gobolada Soomaaliya.


Taliye ku-xigeenka Booliiska Uganda, Jeneral Sabniti Muzeeyi ayaa sheegay in ciidamadan cusub loo soo diri doono gudaha Soomaaliya, si ay kaga qeyb qaataan howlgalka Amisom.


” Waa 160-askari, waxaana ciidankan loo soo xiray tababar mudo sanad ah ay ku qaadanayeen Dugsiga Tababarka Booliiska ee Kabalye” ayuu yiri Taliye Sabniti Muzeeyi.


Kumanaan ciidamo katirsan dowladda Ugandha ayaa ku sugan Soomaaliya kuwaa oo ka qeyb qaadanaya gulufka colaadeed ee ka dhanka ah Al shababaab oo xiriir la leh Alqaacidda.


Waa Sawirrada qeyb kamid ah ciidamada loosoo diri rabo Soomaaliya