Wararka ka imaanaya Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta  Gobolka Mudug ayaa sheegaya inuu halkaasi ka dhacay dagaal xoogan oo u dhaxeeyay ciidamada Galmudug iyo kuwa dowladda Soomaaliya.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii ay isku dhaceen Sarkaal doonayay inuu xoog ku maro wado ay u xirneyd ciidamada dowladda, balse uu muran dheer kadib halkaasi ka dhacay dagaal.

Inta la Xaqiijiyay 5 askari ayaa dhimasho iyo dhaawac ku noqday dagaal ka dhashay muran soo kala dhax galay, ciidamo katirsan dowladda iyo kuwa maamulka Galmudug.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in ciidamada ku dhaawacmay dagaalkaasi la geeyay isbitaaka guud ee Magaalada Gaalkacyo.

Wali wax war ah kama soo bixin maamulka Galmudug oo looga hadlayo dagaalka ka dhacay magaalada Gaalkacyo oo u dhaxeeyay ciidamo katirsan dowladda iyo kuwa maamulka Galmudug.