Waxaa habeenkii labaad magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug ka soconaya kulama gaar gaar ah oo xal loogu raadinayo Khilaafka xoogan ee ka dhax aloolsan dowladda dhaxe iyo Galmudug.

Maxaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa ka biyo diidan habeenkii labaad inuu la kulmo Wafdiga, Wasiirka arimaha gudaha Soomaaliya Eng Cabdi Maxamed Sabriye.

Wasiirka arimaha gudaha Soomaaliya ayaa kulamo la qaatay Madaxa xukuumada Galmudug Sheekh Shaakir iyo Xubno katirsan Galmudug, balse waxaa arintaasi ilaa hada diidan ama ay u cuntami la’ dahay inuu la kulmo Madaxweyne Xaaf Wafdiga Wasaarada arimaha gudaha.

Dhanka Boqolaal ciidamo wata gadiidka dagaalka oo taageersan Xaaf ayaa ku sugan inta u dhaxeysa Cadaado iyo Dhuusamareeb, waxaana ciidamadaasi hogaaminaya Wasiirka Maaliyada maamulka Galmudug.

Sido kale Wasiirka Maaliyada Galmudug Saciid Siyaad ayaa Sheegay In Madaxweyne Xaaf looga baxey heshiiskii lala galey ee Jabuuti uuna Madaxweynuhu Ku Jiro Xaalad Ciriiri La Galiyey.

Wararkii ugu dambeeyay ee caawa ayaa sheegaya in madaxweyne Xaaf lagu qancinayo inuu hal mar un la kulmo Wafdiga dowladda Soomaaliya ee ku sugan caasimada maamulka Galmudug.

Xaalada magaalada Dhuusamareeb ayaa wali kacsan, maadaama ilaa hada aysan jirin heshiis mira dhal ah oo laga gaaray khilaafka u dhaxeeya madaxda dowladda Soomaaliya iyo kuwa Galmudug.

Hal mar ayaa fool-kaano Siyaasadeed oo waayo foolaneysay ka qaraxday maamul gobaleedka galmudug, kadib markii dowladda dhaxe ay shaacisay waqtiga la qabanayo doorashada Galmudug.