Wararka ka imaanaya wadada xiriirisa magaalooyinka Buurhakaba iyo Baydhabo ayaa ku waramaya in saakay laga dareemayo dhaqdhaqaaq ciidan oo ay sameynayaan ciidamada dowldda Soomaaliya.

Cutubyo katirsan ciidamada Militaryga dowladda Soomaaliya ayaa saakay soo buux dhaafiyay duleedka degmada Buurhakaba oo shalay Qarax xoogan lagula eegtay ciidamo katirsan kuwa koofur galbeed.

Sarkaal katirsan ciidamada dowladda ayaa Warbaahinta u sheegay in saakay howlgalo xoogan ay ka wadaan ciidamada Xooga iyo kuwa maamulka koofur galbeed, deegaano looga shakisan yahay Shabaab.

Howlgalkan ayaa yimid kadib markii Shalay qarax miino lala eegtay gaari Cabdi Bile oo ay la sodeen ciidamada maamulkaasi.

War kasoo baxay Mintidiinta Al shabaab ayaa lagu sheegay in qaraxii shalay ay ku dhinteen 10 Askari oo uu kamid ahaa, taliyihii ciidamada deegaanka Daynuunaay Axmed Dheere.

Wixii Kusoo Kordha Kala Soco Kalsantv.com