Wararka ka imaanaya magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta maamulka Galmudug ayaa ku waramaya in saakay halkaasi ay ka soconayaan kulamadii ugu dambeeyay ee xal loogu raadinaayo dajinta xiisada Siyaasadeed oo ka taagan magaaladaasi.

Maxaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa ka biyo diidan maalintii 3-aad inuu la kulmo Wafdiga, Wasiirka arimaha gudaha Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye.

Odayaasha dhaqanka gobalka gaar ahaan kuwa kasoo jeeda dhanka Madaxweyne Xaaf ayaa xalay ilaa saakay kulamo gaar gaar ah ka yeelanaya, sidii xal waara looga gaari lahaa Khilaafka Galmudug.

Wasiirka arimaha gudaha Soomaaliya oo kulamo la qaatay Madaxa xukuumada Galmudug Sheekh Shaakir ayaa wali raja ka qaba inuu la kulmi doono Maxaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf.

Sido kale waxaa lagu wadaa inuu Muqdisho dib ugu soo laabto wasiirka arimaha gudaha Eng Sabriye, hadii maanta ay suura gali weyso inuu la kulmo Madweyne Axmed Ducaale Geelle Xaaf.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in saakay qeybto kamid ah Xaafadaha magaalada Dhuusamareeb in lagu soo daadiyay ciidamo dheeraad ah oo sugi doono amaanka caasimada Galmudug.

Dhanka Boqolaal ciidamo wata gadiidka dagaalka oo taageersan Xaaf ayaa ku sugan inta u dhaxeysa Cadaado iyo Dhuusamareeb, waxaana ciidamadaasi hogaaminaya Wasiirka Maaliyada maamulkaasi.

Wasiirka Maaliyada Galmudug Saciid Siyaad oo la hadlay Warbaahinta ayaa Sheegay In Madaxweyne Xaaf looga baxey heshiiskii lala galey ee Jabuuti uuna Madaxweynuhu Ku Jiro Xaalad Ciriiri oo go’adoon ah.

Galmudug Saakay wax walbaa waa laga filan karaaa