Ciidamada booliska maamul gobaleedka Galmudug ayaa xabsi ku yaala magaalada Dhuusamareeb dhigay Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo qeyraadka maamulkaasi Axmed Shire Falage.

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya sababta keentay in la xiro Wasiirka oo la sheegay inuu doonayay inuu horay u raaco Xaaf, oo galabta ka baxay gudaha magaalada Dhuusamareeb.

Sido kale ciidamada ayaa la wareegay gaarigii uu watay Wasiirka.

Xiriiro kala duwan oo aan la sameynay Saraakiisha booliska maamulka Galmudug ayaa ka gaabsaday iney ka hadlaan arinkaasi.