Xisbiga ka arrimiya Turkiga ee AKP ayaa markale guuldarro kala kulmay doorashada ku celiska ee ka dhacday caasimadda Istanbul.

Musharraxa xisbiga mucaaradka Ekrem Imamoglu, ayey guusha doorashada ku raacday 54% iyada oo codadka intooda badan la tiriyey.

Doorashadi ka dhacday bisha March ee sanadkan oo guul la yaab leh ay ku raacday isla musharraxan, waxaa guushaasi ka soo horjeestay xisbiga AKP ee talada Turkiga haya isaga oo sheegay in doorashada lagu celiyo.

Ra’isal wasaarihi hore Binali Yildirim, ayaa doorashada lagaga guuleystay. Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan wuxuu u hambalyeeyey musharraxa mucradka ee ay guusha raacday Ekrem Imamoglu.

Boggiisa Tweetarkana wuxuu ku qoray madaxweynaha “Ekrem Imamoglu oo ay guusha codbixinta doorashada hordhaca ka soo baxday ku saleysan ay raacday waan ugu hambalyeynayaa.”

Natiijada doorashada Istanbul ayaa lagu tilmamay iney tahay caqabad kale ku soo korodhay siyaasadda Erdogan, isaga oo horay u yiri “Ciddi ku guuleysata Istanbul waxay ku ku guuleystay Turkey”.