Waxaa Caawa degan xaaladda magaalada Beledweyne kadib markii maanta Ciidamada Amisom oo wata gaadiidka dagaalka aay isku dayeen in ay guriga uu deganyahay awood ciidan ay kaga saaraan guddomiyihii hore ee gobalka Hiiraan yusuf Dabageed.

Ciidamo daacad u ah Dabageed ayaa arintaasi is hor istaag ku sameeyay, kuwaa oo difaacyo ka xirtay hoyga gudoomiyihii hore ee gobalka Hiiraan oo ciidamada Amisom isku gadaameen.

Odayaasha dhaqanka gobalka Hiiraan ayaa soo fara galiyay Xiisadaasi mar ku sigatay iney dagaal isku badasho, balse Saraakiisha ciidamada Itoopiya oo howlgalkaasi hogaaminayay ayaa ka biyo diiday odayaasha in ciidamada Amisom Xeryahooda ku noqdaan.

Wada hadal mudo badan qaatay ayaa markii dambe odayaasha ku qasbanaadeen iney wacaan Mas’uuliyiinta dowladda dhaxe ee kasoo jeeday deegaanada Gobalka Hiiraan iney soo fara galiyaan arinta oo ay wada hadalo lasoo sameeyaan saraakiisha ciidamada Amisom.

Xubno katirsan dowladda oo kasoo jeeda deegaanada Hirshabeelle ayaa markii dambe Ciidamada Amisom gaar ahaan kuwa Itoopiya ku qanciyay in looga dambeeyo arinta oo Baladweyne ay u imaan doonaan xalinta khilaafta madaxweyne Waare iyo Yuusuf Dabageed.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in ciidamada Amisom ay ku laabteen Fariisimihii markii hore ay kasoo baxeen.

Dhanka kale Guddomiyihii hore ee gobalka Hiiraan Yuusuf Axmed hagar ayaa warbaahinta shir jar’aaiid ugu qabtay magaalada Baladweyene, wuxuu kaga hadlay Weerarka lagu soo qaaday.

“Dadka gobalka Hiiraan kasoo jeeda waxaan ugu baaqayaa in aay isugu yimaadaan magaalada beledweyne si aay aayahooda uga tashtaan, waayo aniga xal uma arko Amisom in weerara uu yiraahdo Madaxweyne waare Askari Jabuuti-yaan ah iyo mid Itoobiyaan ah kama argagaxaayo ee xaqa ayaan ka arga gaxeeynaa iyo sharciga” ayuu yiri guddomiyihii hore ee gobalka Hiiraan yusuf Dabageed.

isku dayga hoygiisa looga saari rabay dabageed ayaa yimid kadib markii Kulanka uu dhax maray Saraakiisha Ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowlada Soomaaliya iyo Madaxweynaha Hirshabeelle, waxaana kulankaas la isku afgartay in Xafiisyada maamulka lagu wareejiyo Gudooomiyaha Cusub ee Gobolka Hiiraan

Xiisadda ka dhalatay xilka qaadisitii uu madaxweynaha Hirshabeelle ku sameeyay Guddomiyihii Gobalka Hiiraan Yusuf Axmed Hagar Dabageed ayaa wali ka taagan Magaalada Baladweyne.