Wasiirka Wasaaradda Amniga Jubbaland Cabdirashiid Xasan Cabdinuur (Janan) ayaa kulan la qaatey qaar ka mid ah musharaxiinta u taagan xilka madaxtinimada maamulka Jubbaland.

Kulanka oo ka dhacay xarunta Wasaaradda Amniga Jubbaland ayaa looga hadlay arrimo badan oo ay ka mid yihiin ka wada shaqeynta Amniga guud iyo doorashoooyinka.

Wasiirka Wasaaradda Amniga dowlad goboleedka Jubbaland ayaa Musharaxiinta kula dardaarmey sidii nabada loo wada ilaalin lahaa.

Waxaa dhawaan doorasho ka dhici doontaa maamulka Jubbaland,

Muddo saddex bilood ka yar ayaa ka haray xilligii loo qabtay in ay dhacdo doorashada madaxtinimo Jubbaland, waxaana wali socdo qaban qaabada qaabkii ay doorashadaasi u qabsoomi laheyd.

Wasaarada amniga Jubbaland ayaa horay u sheegtay in amniga Musharixiinta ay sugi doonaan ciidamada Jubbaland, iyadoo magaalada ay joogaan ciidamo ka socda Burundi, Kenya, Itoopiya.