Sidee Soomaaliya Looga Xusay 26ka Juun maalinta Xornimada Goballada Waqooyi (Sawirro)

0
136

Munaadaba lagu xusayo 26 juun 1960 waa maalinta goballada waqooyi ay xornimada ka qaateen gumeestihii Ingiriiska afar maalin kadib oo ku beegneed 1-da July, goballada koofureed ee dalka ayaa iyana waxa ay xornimada ka qaateen Talyaaniga iyada oo isla maalintaasna midoobeen Walaalaha goballada waqooyi iyo Koofur.


Munaadaba lagu xusayo maalintaas ayaa xalay ka kala dhacday inta badan gobalada Soomaaliya oo lagu weyneynayay maalintaasi.

Magaalada Mudisho ee Caasimada Soomaaliya


Munaasabadda lagu maamuusayo 26-ka June sannad guurada 59-aad ee ka soo wareegtay xornimadii Gobollada Waqooyi ayaa xalay ka dhacday, Xarunta Aqalka Dowladda hoose ee Xamar.


Munaasaba ayaa waxaa ka qeyb galay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Mas’uuliyiin sar sare oo katirsaan Xukuumada, maamulka gobalka banaadir, Xildhibaanada labada Aqal.



Deegaanada Maaamulka Galmudug

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya (XFS) Xasan Cali Khayre ayaa bulshada magaalada Dhuusamareeb kala qayb galay munaasabadda xuska sannad guurada 59-aad ee xorriyadda goballada Waqooyi, ayaa hambalyo u diray ummadda Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaaraha oo sheegay in 26-ka June oo ah maalintii ugu horreysay ee calan Soomaaliyeed oo xor ah laga taago dhulka Soomaaliyeed, ay tahay maalin ku wayn ummadda Soomaaliyeed, ayaa dadka Soomaaliyeed xasuusiyay in dhiig badan lagu bixiyay xornimada aan maanta ku naalloonayno, waxa uuna u mahad celiyay cid kasta oo qayb ka qaadatay in laga xoroobo gummaystaha.

Dhanka kale Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Gelle Xaaf ayaa xalay ka qeyb galay Munaasibada 26 Jun oo ah 59 guuradii kasoo wareegtay maalinkii ay xornimada Gobolada Waqooyi ka qaateyn gumeystaha.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Gelle Xaaf oo ay wehliyaan Gudoomiye Ku-xigeenka koowaad ee aqalka sare iyo wasiiro iyo xildhibaano katirsan Dowlada Federaalka ayaa xalay ka qeyb galay Munaasibada 26 Jun ee lagu qabtay Magaalada Cadaado ee Xarunta baarlamaanka Galmudug.


maamul Gobaleedka Puntland

Madaxweynaha maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeyey 59 guuradii kasoo wareegtey markii gobolada Waqooyi ee xuriyadda ka qaateen gumaystihii Ingiriiska, calan Soomaaliyeedna laga taagey dhul Soomaaliyeed.


“Waxaan halkaan hambalyo uga dirayaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan, waxaan ugu hambalyeynayaa sanad guuradii 59-Aad ee kasoo wareegatay markii xorriyadda gobolada waqooyi qaateen 26’ka Juun taas oo ahayd iftiinkii ugu horeeyey oo gayiga soomaaliyeed ka curtay, Waxay sidoo kale hambalyadaydu hor dhac u tahay asbuuca xorriyadda Soomaaliyeed iyo midowgii labadii gobol ee waqooyi iyo koonfur oo ay kala gumaysan jireen Ingiriis iyo Talyaani” ayuu yiri Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni

Maaamulka Gobaleedka Jubbaland

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay Munaasabada 26 juun ee ay xoriyada ka qaateen guumaystihii Ingiriiska gobolada waqooyi.

Madaxweynaha ayaa sheegay in maalmaha Xoriyadu ay yihiin kuwo mudan in la wayneeyo oo jiilka Cusub la dareensiiyo qiimaha ay ku fadhido madaxbanaanida iyo wadajirka Shacabka Soomaaliyeed.

Maaamul Gobaleedka Koofur galbeed Soomaaliya

Madaxweynah Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed ( Lafta-gareen ) ayaa xalay Madaxtooyada maamulkaasi ka Jeediyey Munaasabadda 59 sano guuradii kaso wareegatey Xoriyadda Goboladda Waqooyi.

Maamulka Hirshabeelle Soomaaliya

Xarunta gobalka Hiiraan ee Baladweyne ayaa waxaa lagu qabtay xafladdii 26ka Juun oo ah maalintii 59sano kahor ay xurnimada qaadteen goballada waqooyi .

Gudoomiyaha gobalka Hiiraan Cali Maxaad Caraale iyo wasiirrada Hirshabelle iyo qaar kamida Xildhibaannada Hirshabelle ayaa shacabka kala qaybgalay xafladda qaaliga ah ee 26ka Juun.

June 26, 1960 ayaa goballada waqooyi ee dalka waxa ay xornimada ka qaateen gumeestihii Ingiriiska afar maalin kadib oo ku beegneed 1-da July, goballada koonfureed ayaa iyana waxa ay xornimada ka qaateen Talyaaniga iyada oo isla maalintaasna midoobeen Walaalaha goballada waqooyi iyo Koonfur.