Maxkamadda Caddaalada Adduunka ee ICJ ayaa ku dhawaaqday xilliga la dhageysanayo dacwadda Badda ee u dhaxeysa Somalia iyo Kenya, taasoo bilaaban doonta 9 September 2019 oo ku beegan maalin Isniin ah, kuna eg 13 September 2019 oo ah maalin Jimco ah.


War qoraal ah oo kasoo baxay Maxkamadda Caalamiga ee Garsoorka ee ICJ ayaa lagu soo bandhigay jadwalka dhegeysiga Dacwadaasi u dhaxeysa labada dal.


Dowladda Soomaaliya ayaa dadaal badan ku bixineysa sidii Kenya looga adkaan lahaa muranka bada Soomaaliya ee dowladda Kenya muranka soo galisay.


Maxkamadda ICJ waxay jadwalka dhegeysiga Dacwadaasi ku sheegtay in maalinta Koowaad ee Dhegeysiga Dacwadaasi ay Somaaliya hor imaan doonaan Xeer-beegtida ICJ, iyadoo Kenya la filayo inay Maxkamadda hor tagaan bisha September 11-da.


Soomaaliya waxay mar kale hortegi doontaa Maxkamadda iCJ isla bisha September 12-da, halka Kneyana la filayo inay mar kale hortagaan Maxkamadda isla bisha September 13-da.


Wali Soomaaliya iyo Kenya wax war ah kama soo saarin qaabka warka kasoo baxay Maxkamada ICJ, balse Kenya ayaa shaki badan ka qabta Go’aanka Maxkamada.