Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo xalay ku hoyday Madaxtooyada Cadaado ayaa kulamo gaar gaar ah oo looga hadlayay arimaha Galmudug la yeeshay Madaxweynaha Galmudug iyo qaar katirsan Xildhibaanada labada Aqal oo Cadaado ku sugan.

Kulamada xalay ka dhacay Cadaado ayaa inta badan waxaa wada qaatay Ra’iisal wasaare Kheyre Iyo Madaxweyne Xaaf, waxaana diirada lagu saaray sidii loo xalin lahaa Khilaafka saddex geesoodka ah ee u dhaxeeya Madaxda dowladda dhaxe iyo kuwa Galmudug gaar ahaan Xaaf, Ahlu Suna iyo hogaanka dowladda Soomaaliya.

Warar hoose oo kalsantv heshay ayaa sheegaya in inta badan kulamadii Xalay ka dhacay Cadaado ay kusoo dhamaadeen is mari waa, waxaana la isku fahmi waayay cida qaban qaabineysa hanaanka dooraashada Galmudug iyo halka lagu qabanaayo Doorashadaasi.

Madaxweyne Xaaf ayaa dalbaday in doorashada Galmudug lagu qabto Cadaado, wuxuuna sheegay inuu bur buray heshiiskii Ahlu suna ee Dhuusamareeb ka dhigayay Caasimada Maaamulka Galmudug.

Dhanka kale Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa Xaaf ka dalbaday in dowladda dhaxe ay soo diyaariso gudiga doorashooyinka madaxtinimo ee maamulka Galmudug, balse arintaasi waa uu ka biyo diiday Madaxweynaha maamulka Galmudug oo ku gacan seyray.

Qodobada labada dhinac ay isku fahmi waayeen ayaa waxaa kamid ah qaban qaabada Gudiga doorashooyinka iyo halka ay ka dhaceyso caasimad ahaan doorashada Madaxtinimo eee maamulka Galmudug.