Wasiirka arimaha Gudaha Soomaaliya Eng Sabriye iyo Wasiir Dowlaha wasaarada Hawlaha Guud Ahmed Abdi Kariye (Qoor Qoor) iyo Odayaasha Dhaqanka Degmada Cadaado ayaa hada Shir uga socdaa xarunta Madaxtooyada Cadaado ee Galmudug.

Kulanka ayaa waxaa looga hadlayaa sidii loosoo afjari lahaa Khilaafka Galmudug Iyo hogaaanka dowladda Soomaaliya.

Sido kale Kulanka ayaa waxaa diirada lagu saarayaa halka sida rasmiga ay uga dhaceyso doorashada maamulka Galmudug.

Madaxweyne Xaaf ayaa sheegay iney doorashada ka dhici doonto magaalada Cadaado ee Xarunta baarlamaanka Galmudug.

Dhanka kale dowladda Soomaaliya ayaa horay u sheegtay in doorashada Galmudug ay ka dhici doonto Dhuusamareeb.

Lama oga odayaasha dhaqanka Cadaado iney aqbali doonaan doorashada Galmudug iney ka dhacdo magaalada Dhuusamareeb.

Wixii Kusoo Kordha Kala Soco Kalsantv.com