Wararka ka imaanaya Magaalada Berbera ayaa sheegaya in Weerar lagu qaaday Shaqaale Ajaanib ah oo ka howlgalayay Dekada Berbera oo gacan ku heybteeda ay maamusho Shirkada DPWorld.
Goobjooge ayaa Kalsantv u sheegay in Shaqaale Soomaali ah ay weerar ku qaadeen Shaqaale kale oo ka shaqeynayay dekada, sababa la xiriira in Shaqaalaha Ajaanibta ay la wareegeen Shaqo ay qaban karaan Shaqaalaha Soomaalida ee ku sugan halkaasi.
Inta la Xaqiijiyay 5 ruux oo Shaqaale Ajaanib ahaa ayaa ku dhaawacmay Weerarka ay geysteen Shaqaalaha soomaalida.
Wali wax war ah kama soo bixin maamulka Magaalada Berbera ama Saraakiisha Imaaraadka ee DPWorld.
Saraakiisha Imaaraadka ee DPWorld ayaa si rasmi ah ula wareegay Sanadkii 2017 maamulka Dekadda Berbera.

