QWarar kala duwan ayaa kasoo baxaya dhaawac kasoo gaaray Qarax gaarigiisa loogu xiray Taliyaha booliska  koofurta magalada Gaalkacayo, Xili uu ku sugnaa Koofurta Magaaladaasi.

Qaraxa ayaa gaarigiisa waxaa loogu xiray Sarkaalka magacaabo Cawil Nuur Rooble oo katirsan  saraakiisha Ciidanka Booliska maamulka Galmudug.

Dhanka kale wali wax war ah kama soo bixin Maamulka magaalada Gaalkacyo oo la xiriira Qaraxa lala eegtay Sarkaalka katirsan booliska mamulka Galmudug.

Wali majirto cid sheegatay Ma’uuliyada Qaraxaasi.