Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Kooxo hubeysan oo Xalay tuuladda Sagaalaad oo hoostagta degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose ku dilay nin Oday ahaa.

Dhalinyaro ku hubeysan Bastoolado ayaa fuliyay dilka ninkaasi, oo lagu magacaabi jiray Xasan Yuusuf Baani.

Xiriiro kala duwan oo aan la sameynay maamulka Afgooye ayaa noo Xaqiijiyay Toogashada ka dhacday duleedka degmadaasi.

Warar hoose oo Kalsantv ay heleyso ayaa sheegaya in ninka odayga ahaa ee la dilay uu horay usoo noqday gudoomiyahii deegaanka Sagaalaad ee xalay lagu dhax dilay.

Wali majirto cid sheegatay Mas’uuliyada dilkaasi.