Golaha wasiirradda Somaaliland ayaa fariin adag u diray dowldda Soomaaliya oo ay ku tilmaameen iney marwalba ku wado dagaal joogto ah oo muujinaya Cadaawada ay u heyso Somaaliland.
Somaliland ayaa sido kale beesha caalamka ugu baaqayday iney soo fara galiso khilaafka cusub ee Somaaliya Iyo soomaaliland.
Dhanka kale Somaliland ayaa sheegtay iney ka digayso in dowladda Soomaaliya, khatar amni darro iyo qalalaase hor leh ka abuurto manqada geeska afrika gaar ahaan Soomaaliya.
Ugu dambeyn, golaha Wasiirada Soomaaliland ayaa shacabka ugu baaqay inay u diyaar garoobaan difaaca deegaanada Somaliland.
Hadalka Golaha Wasiirada Soomaaliland ayaa kusoo beegmay Xili, maalintii Shalay aheyd dowladda dhaxe ee Soomaaliya ay xiriirka u jartay dowladda Gini oo soo dhaweyn caalami ah u sameysay Madaxweyne Muusa biixi Abdi.
