hay’adda Qaramada midoobay u qaabbilsan caafimaadka ee WHO ayaa warbixin kasoo saartay cadadka ama Tirakoobka dadkii ku dhintay dagaaladii bilihii ugu dambeeyay ka socday magaalooyinka dalkaasi Liibiya.

Bayaan qoraal ah oo kasoo baxay hay’adda ayaa lagu sheegay in dagaallada ka socda Liibiya ay ku dhinteen 3-dii Bil ee ugu dambeeyay Kun qof Iyo dhaawacyada 500 boqol.

Warkan ka soo baxay Qaramada midoobay ayaa lagu sheegay in Dadkani ay dhinteen intii uu dagaalka ka billaabay Magaalada Tripoli hoggaamiye Janaraal, Khalifa Xaftar, kaas oo ka soo horjeeda Dowladda Libya ee uu Caalamku aqoonsan yahay.

Dagaalka ka socda Dalka Liibiya ayaa tan iyo markii ay Malleeshiyaad uu taageerayo reer Galbeedka ay talada ka qaadeen Muammar Gaddafi, Sanadkii 2011, waxaa Guryahooda ka barakacay in ka badan 100,000 oo Qof.