kWasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa saakay kulan gaar ah  isugu yeeray dhamaan Safiirada dalalka saaxibka la ah ee Soomaaliya u fadhiya magaalada Muqdisho.

Wariyaasha Warbaahinada gudaha iyo dibadda ayaa hada ku sugan Garoonka diyaaraha Muqdisho oo xalay Wasaarada arimaha dibadda ay ugu yeertay iney isugu imaadaan, kuwaa oo ka dhuur sugaya Warka kasoo baxa kulanka la isugu yeeray dhamaan Safiirada dalalka saaxibka la ah ee Soomaaliya.

Waxaa wali laga dhuur sugayaa war Saxaafadeedka kasoo baxa kulanka gaarka ah ee hada ka socday garoonka diyaaradaha Aadan Cade International Airport ee  magaalada Muqdisho

La soco daqiiqad walba waxa kusoo kordha warkaasi, waxaa goobta noogu sugan qaar katirsan wariyaasha ka howlgala Xarunta Kalsntv ee magaalada Muqdisho.