Taliska ciidamada Nabad Sugidda Iyo Sirdoonka Soomaaliya ayaa war kasoo saaray Qarax gaari oo saacad iyo bar ka hor ka dhacay magaalada caasimada ah ee Muqdisho.
Saraakiisha ciidamada ayaa Sheegay Gaariga qarxay inuu isku dayay in uu soo dhaafo mid kamid ah Jidadka Xiran balse uu ka gudbi waayay ka dibna Ciidanka ay halkaasi ku fashiliyeen.
“Ciidanka Amniga ayaa fashiliyay Gaari Walxaha Qarxa laga soo buuxiyay, Cidana waxba kuma noqon,” ayaa lagu yiri war ka soo baxay hay’adda Sirdoonka Qaranka NISA.
Inta ugu badan Khasaaraha uu dhaliyay Qaraxaasi ayaa ah burbur gaaray guryo dad Shacab ah oo halkaasi ka ag dhawaaa, ilaa hadana majirto khasaare kale oo ka dhashay qaraxa marka laga tago laba nin oo la sheegay iney wadeen gaariga waxyaanaha qarxa laga soo buuxiyay.