Inta la Xaqiijiyay 36 ruux ayaa dhimasho iyo dhaawac ku noqday dagaalo dhax maray labo Maleeshiyo beeleed oo labadii maalin ee lasoo dhaafay ku dagaalamayay degmada Ceel-Afweyn ee Gobolka Sanaag.

Dhanka kale Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Abdi ayaa ciidamo xoogan u diray deegaanadaasi ay dirirtu ku dhax mareyso beelaha walaaha ah ee halkaasi dhiiga ku daadinaya.

Saraakiil katirsan ciidamada Somaliland ayaa Warbaahinta u xaqiijiyay in saacadii ugu dambeeyay ciidamo kala duwan ay ku qul galayeen degaanada dagaalada ay ka socdaan, si ay u kala dhax galaan beelahaasi walaalaha ah ee dhiiga badan iska daadinaya.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in saakay xaalada ay dhaanto sidii maalintii Shalay aheyd oo dagaal dhiig badan uu ku daatay uu mudo saacado ah ka soconayay halkaasi, balse saakay uusan dagaal jirin lakin ay is hor fadhiyaan ciidamada kala taabacsan labada Maleeshiyo.

Somaaliland ayaa marar badan waan waan kala dhax dhigtay Beelaha halkaasi wada daga.