Kooxo hubeysan ayaa caawa Laba Wiil oo dhalinyara ahaa ku dishay Xaafadda Suuqa Xoolaha ee Degmada Hilwaa.

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya cida ka dambeysay Toogashada labadaasi wiil ee caawa lagu dilay magaalada Muqdisho.

Goobjooge la hadlay Kalsantv ayaa sheegay kooxda hubeysneyd in markii hore ay dileen mid kamid ah labada wiil, balse uu ka daba qeyliyay wiilka kale kooxdii hubeysaneyd oo asna goobta ku dilay.

“Laba wiil ayey ahayeen, mid ayaa la dilay midkii kale ee saaxibkiis ahaa ayaa ka daba cararay dableydii ka dambeeyay dilka wiilkii hore, waxaana goobta mar kale ka dhacday Toogashada wiilkii kale ee saaxibkiis ay dileen kooxdii hubeysneyd” ayuu yiri Goobjooge.

Ilaa hada lama oga sababta ka dambeysay dilkaasi labada wiil ee dhalinyarada ahaa oo mid kamid ah uu lahaa Stuudiyo Lagu duubo Filimada iyo Aroosyada, caana uu ka ahaa Suuqa Xoolaha.

Marxuumka Filim Stuudiyaha lahaa waxaa lagu magacaabi jiray Ismaaciil Bk, waxaana aad looga garanayay halka lagu dilay.

Maamulka degmada Hiliwaa wali kama aysan hadlin dhacdadaasi.