Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta shir gudoomiyay kulanka golaha wasiirada.

Kulanka maanta waxaa lagaga hadlay sidii shacabka iyo Hay”adaha amaanku uga wada shaqayn lahayeen sugida nabadgalyada inta lagu guda jiro doorashooyinka iyadoo loogu baaqay shacabka Jubbaland iney Ciidamada amaanka gacan ka siiyaan sugida amaanka.

Hogaanka Maamulka Jubbaland ayaa ka hadlay Waqtiga doorashada Madaxweyne ee ka dhici doonta maamulkaasi.

Arimaha Doorashooyinka ayaa la isku raacay in wakhtigooda ay ku dhacayaan qof walbana uu xor u yahay in uu ka qaybqaato iyadoo la marayo hanaanka iyo sharciyada maamulka Jubbaland u yaala.

Dhawaan ayaa la filayaa iney doorashada Madaxtinimada maamulka Jubbaland ka qabsoonto magaalada Kismaayo.

Dhanka kale Wasaarada arimaha gudaha iyo Hogaanka Jubbaland ayaa isku khilaafay goobta ay ka dhaceyso doorashada maamulkaas, uu madaxweyne Axmed madoobe sheegay dowladda dhaxe ineysan wax shaqa ah ku leheen hanaanka doorashada maamulkaasi.