Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka hadlay shaqaaqada iyo colaadda ka socota deegaanka Ceel-Afwen ee Gobolka Sanaag, taas oo sababtay khasaare dhimasho iyo dhaawac leh.

Madaxweynaha ayaa tacsi u diray ehelada iyo qaraabada dadkii walaalaha ahaa ee ku geeriyooday dirirtaasi, waxa uuna dadka ku dhaawacmay Alle uga beryey in uu degdeg ugu boogo-dhayo

Sido kale Madaxweyne Farmaajo ayaa ugu baaqay Madaxda Somaliland, Odayaasha Dhaqanka, Culimaa’u diinka, Ururrada bulshada rayidka ah iyo dhallinyarada in ay u istaagaan joojinta dirirtan soo laalaabatay ee halkaasi ka socota.

“Dirirtan aan ku saleysanayn qiimaha ee dhexmaraysa dadka walaalaha ah waa in si degdeg ah loo joojiyaa. Qarnigan in uu u daato dadkeenna dhiiggoodu daaqsin iyo waraab dartood, iyadoo dhulkeennu uu intaas baaxad la egyahay, waa arrin aanu qaadan karin damiirka fayow” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Dagaal dhiig uu ku daatay ayaa ka dhacay deegaano katirsan gobalka Sanaag