Madaxweynaha Dowlad goboleedka Hir-Shabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa la filayaa inuu u amba baxo magaalada Dhuusamareeb ee caasimada maamulka Galmudug.
Mas’uuliyiin katirsan maamulka Hirshabeelle oo xiriiro aynu la sameynay ayaa ka gaabsaday iney faah faahino dheeri ah ka bixiyaan socdaalka Hogaanka maamulkaasi oo ku wajahan Dhuusamareeb.
Warar hoose oo soo baxaya ayaa sheegaya in Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre uu u wacay Madaxweyne Waare, halka wararka qaar ay sheegayaan in Mudane Waare uu doonayo inuu kala hadlo Kheyre inuu tago deegaanada maamulkaasi Hirshabeelle.
Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare ayaa 6-tii todobaad ee lasoo dhaafay ku sugnaa magaalada Baladweyne ee xarunta gobalka Hiiraan, halkaasi oo ay ka taagneyd Shaqaaqo ka dhalatay xilka qaadistii gudoomiye dabageed oo sababtay inuu diido xilka qaadistaasi uu ku sameeyay Madaxweynaha Hirshabeelle.