War kasoo baxay hoggaanka Al-Shabaab ayaa baaq loogu diray Odayaashii ergada ahaa ee soo xulay baarlamaanka dowladda Federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada.

Bayaankan oo ku qornaa luuqadaha Soomaaliga iyo English-ka ayaa lagu sheegay in Odayaashu ay ku dheceen “Fal gaalnimo ah”, lagana doonayo in ay ka berii noqdaan ficilka ay ku dheceen.

“Waxaa loo qabtay muddo 45 maalmood oo ka bilaabaneysa 15-07-2019 kuna eg 01-09-2019-ka, waxaan kula lagula talineynaa in ay iska diiwaan geliyaan maamullada Wilaayaadka islaamiga ah ee dhaca Koonfurta iyo bartamaha dalka Soomaaliya” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Shabaab.

Mintidiinta Al Shabaab waxay ku hanjabtay in Odeygii ka faa’ideysan waaya baaqa ay marin doonaan shareecada islaamka, oo ay ula jeedaan iney marsiin doonaan wadada odayaashii la dilay.

Dowladda Soomaaliya wali kama hadlin warka kasoo baxay Shabaab.

Al Shabaab ayaa marar badan Muuqaalo kasoo duubay toogashooyin ay ugu geysanayaan Muqdisho iyo gobalada dalka Odayaal ka qeyb qaatay soo xulista Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.