Kooxo hubeysan ayaa Goordhow ku dilay Koofurta Magaalada Gaalkacyo Suldaan Cabdullaahi Maxamed Aadan oo ka mid ahaa Nabadoonada Koofurta Gaalkacyo,wuxuuna Deegaan ahaan ka soo Jeeday Deegaanka Bacaadwayne oo ka tirsan Gobolka Mudug

Laba Nin oo dhalinyaro ah oo Bastoolado ku Hubaysan ayaa Dilka Gaysatey waxayna ka Baxsaden Goobta,sido kale ilaa hada majirto cid garatay Sababta loo dilay ama Sheegatay Mas’uuliyada dilka.

Maamulka degmada wali kama hadlin Toogashadaasi.

Dilalka Qorshaysan ayaa baryihii Danbe ku soo Badanayeyey Koofurta Gaalkacyo waxaana Falkaan oo kale Horey loogu Khaarijiyey Sadex Sargaal oo iyana ka soo Jeeday Koofurta Galkacyo.