Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa ka hadlay Kooxo hubeysan oo xalay Suldaan Cabdullaahi Suldaan Cabdiraxmaan oo koofurta Gaalkacyo ee gobalka Mudug.

Mudane Xaaf ayaa tacsi u diray Ehelada Suldaanka iyo dhamaan Shacabka deegaanada maamulka Galmudug.

“waxa uu ahaa nin qiimo badan oo aad uga shaqeeyay nabada Magaalada Gaalkacyo waxa uu ahaa dadkii Galmudug wax ka dhisay alle naxariistii jano haka waraabiyo samir iyo iimaan eebe ha inaga siiyo”ayuu yiri Madaxweyne Xaaf.


Dilalka Qorshaysan ayaa baryihii Danbe ku soo Badanayeyey Koofurta Gaalkacyo waxaana Falkaan oo kale Horey loogu Khaarijiyey Sadex Sargaal oo iyana ka soo Jeeday Koofurta Galkacyo.