Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal maanta dhax maray Xoogaga Al shabaab iyo kuwa kooxda Macawiisleeyda ee gobalka Hiiraan.
Koox katirsan Maleeshiyada Macawiisleeyda ayaa weerar Xoogan ku qaaday deegaanka Luuq jeeloow ee bariga magaalada Baladweyne, halkaasi oo ay maamulayeen Xubno katirsan Shabaab.
Horjoogaha kooxda macwiisleyda ee gobalka Hiiraan Maxamed Cali oo la hadlay Kalsantv ayaa Xaqiijiyay in Kooxdiisa Shabaab ay ka saareen deegaanka Luuq Jeelow, Sido kale wuxuu sheegay in dagaalkaasi lagu dilay laba katirsanaa Shabaab iyo ruux maxbuus ahaan ay u heysteen.
Dhanka kale wuxuu qirtay inuu jiro khasaare gaaray dhanka Maleeshiyadiisa.
Wali wax war ah kama soo bixin Al shabaab oo la xiriira dagaalkaasi.
Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in Dagaalyahano katirsan Shabaab ay soo buux dhaafiyeen duleedka deegaankaasi, oo la sheegay iney maanta la wareegeen Kooxda Macawiisleeyda