Madaxweyne ku xigeenka Dowlad Gobaleedka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi Carabeey ayaa taageeray dadaalka Dhismaha Cusub ee uu wado Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.

Mudane Maxamed Xaashi Cabdi Madaxweyne ku xigeeynka Galmudug ayaa hadalkaan ka sheegay deegaanka Bangeele ee Gobolka Galgaduud, Waxa uuna sheegay in Gudiga dib Uhishiisiinta ee uu dhawaan Magacaabay Wasiirka Arimaha gudaha Soomaaliya ay yihiin dad aqoonyahano ah oo reer Galmudug ah.

Dhanka kale Mar wax laga waydiiyay Ciidamada la isku dhafay ee la wareegay Amaanka Caasimadda Galmudug ee dhuusamareeb waxaa uu yiri.

“Waan bogaadinayaa Ciidamada la isku daray waxaana Amaanka la wareegay Ciidamada Soomaaliya waana Muhiim in waxii hore xalay dhalay laga noqdo” ayuu hadalkiisa raaciyay Mudane Carabeey.

Sido kale Waxa uu ugu baaqay Bulshada Reer Galmudug iney ku taageeran Shaqadooda Guddigaasi.

Hadalka Madaxweyne ku xigeenka Galmudug ayaa kusoo beegmaya xili ay Dhuusamareeb gaareen Gudiga Shirka Dib Uhishiisiinta Beelaha Galmudug ee uu dhawaan magacaabay Xasan Cali Kheyre.