War Kasoo Baxay Al Shabaab ayaa lagu Sheegtay Mas’uuliyada Dilka Sarkaal Katirsanaa Ciidamada Booliska oo lagu Toogtay agagaarka isgoyska Ex.Control Afgooye ee magaalada Muqdisho.

Shabaab ayaa sido kale Sheegay Sarkaalka la dilay Iney Horay uga qaateen bastoolad uu watay kadibna goobta ay ka baxsadeen.

Wali wax war ah kama soo bixin Taliska booliska oo la sheegay Sarkaalka la dilay inuu katirsanaaa.

Kooxo hubeysan oo la aaminsan yahay iney katirsan yihiin Shabaab ayaa inta badan dilal ka geysta magaalada Muqdisho.