Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka xukuumadda  Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar)  oo ay wehliyaan qaar kamid ah wasiirrada xukuumadda iyo dowlad gobaleedyada dalka ayaa maanta socdaal ku dhex maray magaalada Baydhabo.

Mudane Mahdi Maxamed Guuleed ayaa intii uu socdaalka ku dhex marayay magaalada soo maray Xaafado katirsan Caasimada KMG.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ayaa maanta magaalada Baydhabo ka furay Madasha arrimaha bini’aadninimada dalka oo ay soo agaasintay waraaradda arrimaha gargaarka iyo maareynta musiibooyinka  xukuumadda federaalka Soomaaliya.