Guddoomiye ku xigeenka Koobaad ee maamulka gobolka Banaadir Maxamed C/laahi Tuulax oo la hadlay Warbaahinta dowladda ayaa ugu baaqay Shacabka gobolka Banaadir iney is dejiyaan.
Guddoomiye Tuulah waxa uu xaqiijiyey in Guddoomiyaha gobolka Benadir ahna Duqa magaalada Muqdisho uu nool yahay islamarkaana uusoo gaaray dhaawac fudud hadana ay dhaqaatiirta dabiibiyaan.
Sidoo kale Guddoomiye Tuulah waxa uu xaqiijiyey iney jiraan dhaawac so gaaray Guddoomiyeyaasha degmooyinka gobolka qaarkood iyo Agaasimeyaasha dowladda hoose qaar ka tirsan.
Sido kale Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya dadka ku dhaawacmay Qaraxa iyo kuwa ku dhintay.
Warar ayaa sheegaya Guddoomiyaha Degmada Waaberi Mahad Cilmi ayaa ka mid noqdey dadkii ku dhintey qaraxii ka dhacay Xarunta Gobolka Banaadir, waxaana kamid ah dadka dhaawacmay Duqa Muqdisho Eng Yariisoow iyo gudoomiyaal iyo Agaasimayaasha maamulka Gobalka.
Wixii kusoo kordha kala soco Kalsantv.com
Warar ayaa sheegaya Guddoomiyaha Degmada Waaberi Mahad Cilmi ayaa ka mid noqdey dadkii ku dhintey qaraxii ka dhacay Xarunta Gobolka Banaadir, waxaana kamid ah dadka dhaawacmay Duqa Muqdisho Eng Yariisoow iyo gudoomiyaal kale.