Gudoomiyihii Degmada Cabdicasiis Sabah Asad oo kamid noqotay Gudoomiyasha ku dhintay qarax ka dhacay gudaha Xarunta Gobalka Banaadir.
Guddoomiye ku xigeenka Koobaad ee maamulka gobolka Banaadir Maxamed C/laahi Tuulax oo la hadlay Warbaahinta dowladda ayaa ka hadlay qaraxa, wuxuuna sheegay iney jiraan gudoomiyaal dhimasho iyo dhaawac ku noqday qaraxa ka dhacay maanta magaalada Muqdisho.
Warar ayaa sheegaya Guddoomiyaha Degmada Waaberi Mahad Cilmi ayaa ka mid noqdey dadkii ku dhintey qaraxii ka dhacay Xarunta Gobolka Banaadir, waxaana kamid ah dadka dhaawacmay Duqa Muqdisho Eng Yariisoow iyo gudoomiyaal iyo Agaasimayaasha maamulka Gobalka.
Wixii kusoo kordha kala soco kalsantv.com