Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo Goordhaw Saxaafadda kula hadlay xarunta Dowladda Hoose ee Xamar ay hareer taagan yihiin Wasiirka Dhalinyarada iyo Cayaaraha, Taliyaha Booliiska Soomaaliya iyo Guddoomiye ku xigeenka maamulka iyo Maalliyadda ee gobolka Banaadir.
Wasiirku waxa uu sheegay in ay falkii Shabaab galabta ay ku dhinteen lix ruux oo laba ka mid ah ay yihiin Guddoomiyeyaasha Degmooyinka iyo Seddex Agaasime.
Wasiirka ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in ay ku dhaawacmeen Lix ruux oo ay ku jiraan Guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo Guddoomiyeyaal degmooyin, kuwaasi oo dhaqaatiirta ay xaaladooda caafimaad la tacaaleen.
Sidoo kale Wasiir Maareeye waxa uu sheegay in Hay’adaha Ammaanka ay wadaan baaritaan ku aadan falkii argigixisanimo islamarkaana ay faah faahinta dib kasoo sheegi doonaan.