Afhayeenka Ciidamada Burundi Floribert Biyereke ayaa Warbaahinta Xaqiijiyay in Lix katirsan ciidamada difaaca Burundi lagu dilay dagaal ka dhacay meel 30KM  u jirta magaalada Muqdisho.

Floribert Biyereke Afhayeenka Ciidamada Burundi ayaa sheegay dagaalkaasi looga dilay ciidamada inuu ka dhacay duleedka Magaalada Balcad ee Gobolka Shabeellaha dhexe.

Xubno katirsan Al shabaab ayaa weerar dhabagal ahaa u dhigay kolonyo katirsan ciidamada Milatariga Burundi oo shaqo dhir jarid ah ka waday deegaano hoos yimaada magaalada Balcad.

“Lix Askari ayaa nalaga dilay Saddex Askarina dhaawac halis ah ayey qabaan sidoo kale waxaa la nahay labo askari oo ka mid ah Ciidanka Burundi” ayuu yiri Afhayeen u hadlay ciidamadaasi.

Al shabaab ayaa sheegatay Mas’uuliyada weerarkaasi oo ay sheegtay iney dileen in ka badan 10 askari oo Burundeys ahaa, sido kalana ay gubeen Baldoosarradii ama cagafyadii ay isticmaalayeen.