Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa Tacsi u diray dhamaan Shacabka ree Jubbaland gaar ahaan ehelada qaraabada iyo Saladiinta Jubbaland geerida ku timid Alle ha u Naxariistee Suldaan Rashiid Durre oo kamid ahaa Saladiinta Jubbaland Kaas oo Caawa lagu dilay Kismaayo.

Madaxweynahu wuxuu sheegay in Suldaan Rashiid Durre uu laf dhabar u ahaa Midnimada iyo nabad kuwada noolanshaha Shacabka ree Jubbaland wax badana uu wakhtigiisa u huray nabadaynta iyo walaalnimada Bulshada.

Hay’adaha amaanka ayuu Madaxweynahu faray in jawaab deg deg ah ay ka bixiyaan dhacdadan isla markana ay gacanta kusoo dhigaan kuwii ka dambeeyay Dilka Suldaan Rashiid Durre.

Kooxo hubeysan ayaa Caawa magaalada Kismaayo ku dilay Mid kamid ahaa Saladiinta ugu caaansan Maamulka Jubbaland, diidanaa ama kasoo horjeeday Siyaasada Axmed Madoobe.

AUN Suldaan Rashiid Durre