Afhayeen u hadlay Booliiska Kenya oo lagu Magacaabo, Charles Owino ayaa Maanta oo khamiis ah sheegay in ay Ciidanku dib u riixeen Xubno katirsan Al Shabaab oo kasoo tallowday Xadka Soomaaliya, kuwaas oo doonayay in ay qalalaase ka geystaan gudaha Kenya.

Sido kale Afhayeenka ayaa sheegay In Dagaalyahanadaasi ay doonayeen iney weerar ku qaadaan 8 Shaqaale ah oo ka howl-galayay degaanka Kotulo, oo ka tirsan ismaamulka Soomaalida Mandheera.

Wali wax war ah kama soo bixin Dagaalyahanada Al Shabaab, lamana oga Khasaaraha ka dhashay dagaalka labada dhinac maanta dhax maray.