Faah faahino hordhac ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay Kooxo hubeysan oo duleedka degmada Balcad ku rasaaseeyay gaari dad shacab ah ay saarnayeen.

Inta la xaqijiyay afar ruux ayaa dhimasho iyo dhaawac ku Noqotay gaariga lagu rasaaseeyay duleedka degmada Balcad ee gobalka Sh/dhaxe.

Dadka deegaanka ayaa Kalsantv u sheegay kooxda weerarka geystay iney yihiin burcad hubeysan oo dadka ku dhaca wadada dheer ee xiriirisa Muqdisho Iyo Balcad.

Wali wax war ah kama soo bixin maamulka Gobalka Sh/hoose.