Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka xukuumadda Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay odayaasha dhaqanka ee dhawaan Hargeysa kula kulmay Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi.

Nabadoon Maxamed Xasan Xaad oo hoggaaminayay odayaashii dhaqanka ee Madaxweynaha Somaliland kala soo wareegay 19-ka Maxbuus ee cafiska uu u fidyay ayaa Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka uga war bixiyay sidii Soomaalinimada, xushmadda iyo qadarinta laheyd ee loo soo dhaweeyay Wafdiga Odayaasha dhaqanka.

Mudane Mahdi Maxamed Guuleed ayaa madaweynaha Somaliland ku ammaanay soo dhaweynta Soomaalinimada leh ee uu ku qaabilay odayaasha gobalka Banaadir.

Intii kulanku uu socday ayaa odayaahu waxa ay codsadeen in la soo daayo oo iyana cafis loo fidiyo mawaadiniin kale oo dhallinyaradan ay isku xukun ahaayeen oo ku xiran Puntland iyo xabsiga dhexe ee dalka.