Al Shabaab ayaa mar kale soo bandhigtay Sawiradda 100 Oday oo kamid ahaa Odayaashii soo Xulay Xildhibaanada Baarlamaaanka Soomaaliya ee iska diiwaan galiyay Deegaanadooda.

Odayaasha ayaa ahaa ergadii soo xushay xildhibaanada golaha Shacabka ee laga soo doortay deegaanada Jubbaland iyo Koofur-galbeed, kuwaa oo lagu soo bandhigay Sawiradooda kulan ka dhacay deegaanka Buula Fulaay ee gobolka Baay

Al Shabaab ayaa sido kale sheegtay iney cafis u fidisay Odayaasha towbad keenay ee soo gaaray deegaanada ay Maamulaan.

Bayaan kasoo baxay Al Shabaab ayaa loogu yeeray dhamaan odayaashii soo xulay Xildhibaanada oo qaar badan oo kamid ah dhiigooda lagu daadiyay gobalada dalka gaar ahaan Muqdisho, balse Shabaabka ayaa sheegay iney cafis u fadhinayaan Odayaashaasi.