Saraakiisha ciidamada dowladda ayaa war Kasoo saaray Dagaal Xoogan oo Xalay ka dhacay degmada Awdheegle oo laba maalin ka hor gacanta ay ku dhigeen ciidamo huwan ahaa.

War lagu baahiyay Warbaahinta dowladda ayaa Guulo looga sheegtay Dagaalkaasi Xalay Al Shabaab ay ku qaadeen Awdheegle.

“Ciidanka Komaandooska ee Xoogga Dalka ayaa Khaarajiyay 4 argaggixiso,iyagoo dhaawacay 5 kale,kadib weerar fashilmay oo ay xalay Al-shabaab ku soo qaadeen Awdheegle” ayaa lagu yiri Warka kasoo baxay dowadda ee lagu baahiyay Baraha bulshada.

Wali wax war ah kama soo bixin Al Shabaab oo la xiriira dagaalka Xalay ciidamadooda ay ku qaadeen degmadaasi.

Ciidamada Kumaandooska Soomaaliya oo garab ka helaya Milataryga Amisom iyo kuwa Saraakiisha Mareykanka ayaa laba maalin ka hor la wareegay degmada Awdheegle oo Al Shabaab istiraatiiji u aheyd.