Shirka wada-tashiga Wasaaradaha Boostada iyo Isgaarsiinta ee Federaalka iyo Dawlad-goboleedyada ayaa maanta ka furmay magaalada baydhabo ee xarunta KMG ah ee Koofur Galbeed.

Shirkan oo looga hadli doono qodobo ay ka mid yihiin qiimeynta waxyaabaha ka qabsoomey kulamadii hore ee shirka iyada oo sidoo kale lagu dersi doono caqabadaha jira isla markaana lagu qorsheynayo qodobada mudnaanta iyo muhiimadda gaarka ah u leh dalka gaar ahaan dhinaca Isgaarsiinta iyo Tiknolojiyadda.

Sido kale Shirkan ayaa waxaa qorsheysan in lagu soo bandhigo qorshaha xili-kordhinta mudada waxqabadka Mashruuca Taakuleynta Isgaarsiinta iyo Mashruuc ballaaran oo dhinaca tiknolojiyadda ah oo isku xiri doona qaar kamid ah wadamada geeska Afrika gaar ahaan dalalka Itoobiya, Eretereya, Jabuuti, Kenya iyo Dalkeena.

Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta & Teknolojiyada, Mudane Eng. Cabdi Cashuur Xasan, ayaa si kooban uga hadlay waxyaabahii u qabsoomey Wasaaradda muddadan kooban iyo waxyaabaha laga filanayo gebo-gebada kulan, isaga oo xusey in ay ka go’antahay Wasaaaradda in ay wadatashi joogto ah iyo xiriir aad u dhow oo wadashaqeeneed la yeelato Wasaaradaha ku abbaaran ee dowlad goboleedyada dalka si loo helo qorshe loo wada dhanyahay, laga tashtay oo dalka gaarsiiyo horumar si guud u wada saaameeya.

Ugu dambeyntii Madaxweyanaha Koofur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ayaa si rasmi ah u furay Shirka isaga oo kula dardaarmey ka soo qeyb galayaasha in ay maskaxda shiilaan kana wadashaqeeyaan sidii loo dardargelin lahaa qorshayaasha qaran ee la xiriira Isgaarsiinta iyo Tiknolojiyadda Dalka.

Shirkan ayaa mudo seddex Maalmood ah ka socon doona Baydhabo.