Saraakiisha Ciidamada dowladda ayaa sheegay in lagu dhaawacay dagaal ka dhacay Degaanka Shaam oo hoostaga Degmada Aawdheegle Afhayeenka Al Shabaab Sheekh Cali Dheere.

War laga sii daayay idaacada codka Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa lagu Sheegay dagaal ka dhacay Deegaanka Shaam in dhaawac culus lagu gaarsiiyay Afhayeenka Guud ee Al Shabaab.

Sido kale Waxaa la sheegay in dhaawaciisa la geeyay Xarumo Caafimaad oo ku yaalla deegaan hoosyimaada Degmada Kuntuwaareey Ee Gobolka Shabeelaha hoose.

Wali majirto cid ka madax baanaan Saraakiisha dowladda oo Xaqiijin karta waxa ka jira dhaawaca Hogaamiye Cali Dheere oo kamid ah Saraakiisha ugu mayalka adag dhanka Alqaacidda Soomaaliya.

Sido kale wax war ah kama soo bixin Xarakada Al Shabaab.