Al Shabaab ayaa maanta weerar ku qaaday Saldhigga Ciidanka Xoogga dalka ee degmada Awdheegle gobolka Shabeellaha Hoose .

Taliyaha Ciidanka Luqta General Yuusuf Raage Odawaa oo lahadlay Warbaahinta ayaa sheegay in Owdheegle Yaalaan hadda meydadka raggii weerarka soo qaaday kuwaas oo aan xisaab laheyn.

Sidoo kale Taliyaha ayaa sheegay dagaalamayaal Al Shabaab ah lagu qabtay dagaalkaas saakay Xubno katirsan Al Shabaab oo qeyb ka ahaa Ragii  Weerar Saldhigaasi.

Dhanka kale war kasoo baxay Al Shabaab ayaa lagu sheegay iney u suura gashay la wareegista Xaafado katirsan degmada Awdheegle ee gobalka Shabeelaha hoose.

Ciidamada Xoogga dalka ayaa dhawaan Al-Shabaab ka saaray degmada Awdheegle.