Gudoomiyaha Gobalka Shabeellaha Hoose Ibraahin Aadan Najar oo lahadlay Warbaahinta ayaa sheegay in Ciidanka Xoogga dalka xiligaan howlgalo kawadaan deegaanada Tooratoorow, Mubaarak.

Gudoomiye Najax ayaa sheegay in Ciidanku gacanta ku dhigeen Saldhigyo iyo Xarumo Al Shabaabku lahaayeen.

“Ciidanka Howlgal balaaran ayay ka wadaan Tooratoorow,Mubaarak iyo kuwa kale. sidoo kale waxay howlgalku ay kawadaan deegaanka shaam gare waxaana deegaanadaasi lagu bur-buriyay saldhigyo argagixisada ay halkaasi ku lahaayeen, waana howlgal ka duwan kuwii hore waana howlgal loo dhanyahay oo ay qeyb ka yihiin shacabka iyo Maamulka Gobolka”ayuu yiri Guddoomiye Najax

Dhanka kale Gudoomiyaha degmada Awdheegle Maxamed Aweys Abuukar oo lahadlay Warbaahinta ayaa sheegay in 70 kamid ah Maydadka Al Shabaab daafaha magaalada Awdheegle lagu arkay kuwa kale ay qaateen waxuuna sheegay weerakii shalay uu khasaare xooggan ka soo gaaray Xoogaga Alshabaab.

War Kasoo baxay Al shabaab ayaa dhankooda lagu sheegay in ka badan 50 katirsanaa ciidamada Kumaandooska Soomaaliya lagu laayay Dagaal Qaraxyo ku bilowday oo ka dhacay Awdheegle.