Warar is khilaafsan ayaa saacadihii lasoo dhaafay kasoo kala baxayay Talisyada Ciidamada Dowladda iyo kuwa Al shabaab.

War kasoo baxay Al Shabaab ayaa lagu sheegay iney dileen Taliyihii hogaaminayay Ciidamada la Wareegay degmada Awdheegle.

Sido kale ilaa hada majirto wax war ah oo kasoo baxay Saraakiisha Ciidamada Xoogga Soomaaliya ee howlgalka ka wada Sh/hoose.

Ciidamada Kumaandooska Soomaaliya oo garab Milatary ka helaya Amisom ayaa la wareegay Goobo badan oo Al Shabaab maamuleysay.