Xubno kamid ah ergada ka qayb geleysa shir-weynaha dib-u-heshiisiinta Galmudug ayaa maanta gaaray magaalada Dhuusamareeb ee xaunta dowlad gobaleedka Galmudug.

Guddigga qaban-qaabada shir-weynaha ayaa magaalada Dhuusamareeb ku soo dhaweeyay ergada oo safarro xagga hawada iyo dhulka ah  ku tegey halkaasi.

Ergada ayaa la geeyay deegaanno  horay loogu sii diyaariyay,kuwaas oo inta uu socdo shirka dib-u-heshiisiinta Galmudug joogaya degmada Dhuusamareeb ,si loogu gogol xaaro dhismaha dowlad gobaleed loo dhanyahay.

Sido kale waxaaa wali diidan oo tabashadooda aan la xalin qaar kamid ah Beelaha walaalaha ee halkaasi wada daga oo cabasho ama gadood ka sameeyay balan kabax ay sheegeen inuu ku sameeyay Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.