Wararka ka imaanaya Magaalada Kabul ee caasimada dalka Afgaanistaan ayaa sheegaya in Qarax khasaare geystay uu ka dhax dhacay Xafad aroos oo ka socotay caasimada dalkaasi.

Saraaakiisha Amaanka ayaa Warbaahinta u Xaqiijiyay in ruux waxyaabaha qarxa isku soo xiray uu ku dhax qarxay Xaflad aroos oo ay dhiganayeen dad heysta Madhabka Shiicada.

Inta la Xaqiijiyay Boqol ruux in ku dhaw ayaa ku dhintay qaraxa, waxaana socoto badbaadinta dadka ku waxyeeloobay.

Wali majirto cid sheegatay Mas’uuliyada Weerarkaasi, balse inta badan waxaaa caan ku ah Weeraradaasi Kooxda Daacish.