Saraakiisha ciidamada dowladda ayaa ka ka ka hadlay Howlgal Xalay ka dhacay Xaafada Juungal ee degmada Yaaqshid.

Saraakiisha howlgalka hogaamineysay ayaa Warbaahinta u Sheegay howlgalka ka dhacay degmada Yaaqshid ee magaalada Muqdisho in lagu soo qabqabtay tiro dhalinyaro ah oo lala Xiriirinaayo Al Shabaab.

Wali Saraakiisha ma sheegin cadadka ama tirada dhalinyaradaasi Xalay lagu soo qab qabtay holwgal ka dhacay Gobalka Banaadir.

Ciidamada dowladda ayaa habeenada qaar howlgalo ka fuliya inta badan Xaafadaha kala duwan ee magaalada Muqdisho.